Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Carl Bildt oo la kulmaya madaxweyne Rohani inta uu booqanayo Iiraan

La daabacay måndag 3 februari 2014 kl 11.30
Wasiirka Arrimaha Dibedda Carl Bildt. Sawirle: Bertil Enevåg Ericson/TT.

Wasiirka arrimaha dibedda Iswiidhen Carl Bildt ayaa la kulmi doona madaxweynaha dalka Iiraan Hassan Rohani inta uu boqoshada ku joogo dalka toddobaadkaan, sida laga soo xigtey Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Carl Bildt wuxuu maanta ka degey Isfahan oo ah magaalada saddexaad, halkaas oo uu kula kulmi doono madax uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolkaas.

Maanta berrina wuxuu Carl Bildt u kicitimi doonaa magaalamadaxda Teheran oo ay ka bilaaban doonto booqashada uu wadaxaajoodka kula yeelanaayo wasiirka arrimaha dibedda dalkaas Mohammad Javad Zarif.

Inta uu wasiirka arrimaha dibedda Iswiidhen Carl Bildt halkaas booqashada ku joogo wuxuu aragti ka qaadan doonaa rabitaanka ay dowladda Iiraan ku dhawaaqday ee isbedde-doonka ah.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".