Sawirle: P4 Göteborg

Ma jiro hab lagu gargaaro carruurta waalid uga geeriyoodo si kedis ah

Waxaa sannad walba si kedis ah waalid ah ugu waaya in ka badan 600 oo carruur ah. baaritaan cusub oo ay soo bandhigtey hay’adda gargaarka bulshaduna waxaa lagu muujiyey in aysan jirin hab sugan oo lagu gargaaro carruurtaas in ay ku sugan yihiin xilliga murugadu ugu badan tahay oo ah marka geeridu dhacdo.

Waxaana daraasad lagu muujiyey in carruurta iyo dhallinyarada uu waalid uga dhinto si kedis ah ay khatar ugu sugan yihiin in caafimaadkoodu xumaado.

Ingela Heimann oo mas’uul ka ahayd qaybtii daraasadaan oo laga sameeyey boqolka Västra Götaland ayaa tiri:

- Waxaa la oran karaa in aysan ururada badankood ka jirin nidaamyo arrintaas wax loo qabto, in kastoo kuwo badan oo qabta hawlo wanaagsan. Laakiin waxay hawlahooda u qabtaan hab aan la isku raacsanayn oo aan nidaamsanayn.

Mid ka mid ah sababaha ay xaaladdu sidaas ugu muuqato ayaa ah in aan carruurta lagu xisaabin qaraabada, waa sida ay Ingela Heimann qabto.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".