Marita Ulvskog (S) oo soo bandhigtay qorshaha doorashada ee xisbiga. Sawirle: Peter Wallberg/TT.

Qorshaha xisbiga S ku gelayo doorashada Midowga Yurub

Shaqooyinka oo lagu saleeyo shuruudo xaq ah iyo cimilada ayaa ah arrimaha ugu muhiimsan ololaha uu xisbiga Sooshiyaal-dimoqraadigu ku gelayo doorashada Midowga Yurub ee sannadkaan. Xisbiga ayaana maanta soo bandhigay sisaayaddaas.

Xagga shaqada waxay ku saabsan shuruudaha lagu maamulaayo marka qof u shaqeeya shirkad ka socota dal ka tirsan Midowga Yurub oo ka hawlgasha Iswiidhen.

Hadafka xisbiga Sooshiyaal-dimoqraadiga ayaa ah in uu doorashadaan ka helo natiijo la midf ah natiijadii uu helay doorashadii hore, oo u dhigantey afar meelood meel codadkii la dhiibtey.

Markaas waa in uu xisbigu dadaal u galaa sidii ay dadka u codeeyaa uga qaybqaadan lahaayeen doorashada oo codkooda u dhiiban lahaayeen – waayo kala bar oo bar dadka xisbiga ugu doorashada baarlamaanka Iswiidhen kama ay qaybgalaan doorashada Midowga Yurub.

Hadaf kale oo uu xisbiga sooshiyaal-dimoqraadigu leeyahay ayaa ah in kooxda xisbiyada hantiwadaagga ah oo xisbigu ka mid yahay ay noqdaan kooxda hesha codadka ugu badan doorashada Midowga Yurub – taas oo aan horey u dhicin muddo shan iyo toban sano ah.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".