Sawirle: Annika af Klercker/TT

Ma aha in gebi ahaanba la go’doomiyo dadka ku jira xabsiyada siihaynta

Hadda kadib gebi ahaanba lama go’doomin doono dadka lagu sii hayo xabsiyo ku yaal Iswiidhen inta dacwadooda baaritaanku ku wado, balse waa in ay xaq u yeeshaan in ay dad la xiriiraan ugu yaraan laba saac maalintii.

Sidaasina waxay ku qorneyd hindise uu maanta soo bandhigay guddi shaqo oo ka socda xafiiska xeerilaaliyaha qaranka, halkaas oo waxyaalihii lagu soo bandhigay ay ka mid ahayd in dib loo eego nidaamkii horey loo dhaleeceeyey ku saabsanaa sida xadeynta xiriirka ee xabsiyada siihaynta Iswiidhen.

Xeerilaaliyaha sare Agneta Isborn Lind har oo shaqada hoggaamineysey ayaa sidaas ka tiri:

- Qofka la sii hayaa waa qof aan weli la xukumin, markaas ma ahan in ay siihayntaasi ku noqoto xiqaab. Waayo ma ahan ujeeddadii laga lahaa siihaynta.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista