Nuqulka warqadda oo laga guuriyey bogga internet ee maamulka gobolka Stockholm.

Warqad xisbiga moderaatku u qoray shaqaalaha gobolka Stockholm oo caro dhalisay

Xisbiga Moderaterna ee gobolka Stockholm ayaa warqad uu u shaqaalaha maamulka gobolka uga digay in ay u codeeyaan dowladda bidixda doorashada dayrtaan.

"Warqaddan" oo uu qoray hoggaamiyaha hawlaha doorashada ee xisbiga Mooderaatka qaybta gobolka Kristoffer Tamsons (oo horay u soo ahaan jirey hawlwadeenada ugu dhow raysalwasaaraha Fredrik Reinfeldt) ayaa lagu daabacay bogga internet ee maamulka gobolka si cid waliba u akhrisato. Halkaas waxaa ka muuqda cadaadis gaar ah oo saaran dhammaan xisbiyada dalka, taas ku kallifeysa in marmar soo saaraan war-saxaafadeed.

Balse waxa hadda carada dhaliyey ayaa ah in ruux matalaya xisbiga Mooderaatka oo isagu hoggaamiya golaha maamulka gobolka uu toos u wajaho "dadka u shaqeeya maamulka gobolka Stockholm ". Dadka dhaleeceynta u soo jeediyey waxay u arkaan in taas si fudud loogu qaadan karo sidii warqad uu shaqa-bixiyuhu u diray shaqaalihiisa.

Kristoffer Tamsons wuxuu waqraddiisa ku qoray in shaqaalaha dhallinta yar ay dhibaato uga iman karto hindisaha xisbiga Socialdemokraterna ay ku doonayaan in ay "kordhin lala argagaxo" ku soo rogaan khidmadda shaqabixiyayaashu ka bixiyaan dadka u shaqeeya oo da’doodu ka yar 25 sano.

Dhanka kale Jens Sjöström (S) oo madax u ah guddiga arrimaha caafimaad ee koonfurta Stockholm ayaa u arka warqaddaas mid laga yaqyaqsado. "Halkii ay xil-siyaasadeed iska saari lahaayeen dhibaatada ka jirta goobaha daryeelka caafimaadka, ayuu xisbiga Mooderaatku isku dayayaa in uu dhallinyarada ku cabsigeliyo khatar aan meel ool ". Sidaasna wuxuu u sheegay wargeyska Metro.

Balse Kristoffer Tamsons ayaa wakaaladda TT u sheegay in uu u arko wax iska cad in ay warqaddaan ka socoto xafiiska gobolka ee xisbiga Mooderaatka, oo ay cid waliba ka akhrisan karto bogga internet qaybtiisa lagu daabaco war-saxaafadeedyada ay xisbiyadu soo gudbiyaan.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".