Sawirle: Magnus Hjalmarson Neideman/TT

SD: Waa in dadkoo dhan loo fasaxaa dhaqashada ugaarta waqooyiga Iswiidhen

Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa doonaya in sharciga la beddelo si ay suurtagal u noqoto qof walba oo Iswiidhen uu u dhaqan karo ugaarta waqooyiga Iswiidhen laga helo oo afka iswiidhishka lagu yiraahdo ”ren”.

Hadda waxaa dhaqashada ugaartaas lagu xaddaday in dhaqan karaan dadka saamiga ah oo ka tirsan jeesas loo qaybiyey.

Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa taas u arka in ay ka soo horjeeddo nidaamka sharciga oo lagu dhaqo bulshada qaynaheeda kale.

Afhayeenka xisbiga u qaabbilsan siyaasadda dadyowga laga tirada badan yahay Mattias Karlsson ayaa idaacadda Ekot u sheegay in ay dowladdu u qaldan tahay in ay qayb ka mid ah laamaha wax soosaarka ganacsiga ay u sumadeyso qowmiyad gaar ah.

Dhanka kale waxaan jirin xisbi kale oo fekerkaas ku raacsan, maadaama ay xisbiyada kale u arkaan in haddii aan sidaas sameyn uu dhaqanka iyo hiddaha saamigu oo ugaar-dhaqashadu ay muhiim ah ka tahay uu xaalufi ama suuli lahaa.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista