Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Sawirle: Tekniska röntgencentralen/TT.

Cudurka kansarka oo la filayo in uu dunida aad ugu soo kordho

Kororka laga welwelo oo ku yimid dhacdooyinka kansarka ee dunida ayaa u muuqda bambo waqti ku qarxeysa, sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka adduunka oo ku qoray qoraal cusub oo la soo saaray maalinta kansarka dunida ee Qaramada Midoobey.

Labaatanka sano ee foodda nagu soo haya waxaa la filayaa in tirada dhacdooyinka cudurka kansarka adduunku ay kor u kacdo boqolkiiba 70 procent, waana isbeddel ah 8.2 milyan sannadkii 2012 oo ay kordheyso 25 milyan sannadka 2032.

Waxyaalaha sababaya kororkaas waxaa ka mid ah sigaarka, cabbida khamriga iyo cuntooyinka aan caafimaadka u wanaagsanayn sida sonkorta iyo cayilka xad-dhaafka ah.

Kororkaan waxaa marka ugu horreysa laga filayaa dadka ku nool dalalka saboolka ah iyo dalalka dakhliga dhexe. Balse Ururka caafimaadka adduunku wuxuu sheegay in kharashka ay dalalka qaniga ahi ku bixiyaan cudurka kansarka ay aad u soo kordhi doonto.

Cudurka kansarka ayaa ah dilaaga ugu weyn ee hadda dunida ka jira.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".