Carl Bildt mar uu booqasho ku joogey magaalada Isfahan. Sawirle: Cecilia Uddén/Agneta Ramberg/SR

Carl Bildt oo madaxda Iiraan la soo qaadaya arrimo la xiriira xuquuqda aadanaha

Wasiirka arrimaha dibedda Iswiidhen Carl Bildt ayaa kulan uu maanta la yeelanayo wasiirka arrimaha dibedda iyo madaxweynaha Iiraan la soo qaadi doona arrimo la xiriira xuquuqda aadanaha.

Xiriirka soo debcay ee u dhexeeya Iiraan iyo dunida inteeda kale ayaan horseedin isbeddel wanaagsan oo ku yimaada xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalkaas.

Sida laga soo xigtay dad u ololeeya xuquuqda aadanaha wuxuu madaxweyne Rohani xabsi ka soo daayey qaar ka mid ah maxaabiista siyaasadeed si uu u soo jiito dalalka Reer Galbeedka, balse waxaan weli dhammaan dadka la iska xiro.

Carl Bildt:

- Waa wax caadi ah oo qayb muhiim ah ka ah wadaxaajoodka aan ku rajaweynahay in uu si qoto dheer u dhexmaro Midowga Yurub iyo Iiraan. Waxaan aamminsanahay in ay meeli u bannaan tahay wadaxaajood si taxadar leh horay wax loogu sii wado. Balse marnaba lama sii ogaan karo, waayo waxaa la marayaa isbeddel xasaasi ah oo weliba ay jiraan xoogag ka soo horjeeda. Mase aha in la aammino in wadaxaajoog noocaan ahi uu keeni karo in wax waliba hal habeen isku beddelaan.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".