Räkor

Carsaanyada ku nool Badda Waqooyi oo gabaabsi ku jirta

Hay’adda dgawrista dabeecadda adduunka oo loo soo gaabiyo WWF ayaa liista cas ku dartay carsaanyada ku badda waqooyi. Liiska cas ayaa liis sannad walba lagu qoro bad-ku-noolaha halista ugu jira in uu suulo. Waxaa intaas dheer in carsaanyo yaryar oo badan badda lagu daadiyo.

Inger Näslund oo ah khabiir WWF u qaabbilsan kalluunka ayaa ka tiri:

- Ugu horreyntii caddadooda ayaa isdhintay. Waxaase dhibaatada weyn ka jirta in hab khiyaamo ku jirto loo kalluumeysto. Carsaanyo ay ahayd in meelahooda lagu ururiyo ayaa la daadiyaa. Taasina waxay keentay in aan la hubin xaaladda caafimaad ee noolahaas.

Waxaa hadda liiska cas lagu daray carsaanyada ku nool badaha Skagerrack, Kattegatt iyo Nordsjön oo ka tirsan badda waqooyi iyo Badweynta Atlaantiga.

Sidaas oo ay tahay ayaa haddana suuqa lagu iibin doonaa carsaanyo, maadaama carsaanyooyinkaas laga keeno Badda Barent ee Noorwey. Sidaas awgeed hay’adda WWF waxay u aragtaa in habka kallumeysigu uu noqdo mid wax ku ool ah.

Hay’adda dhawrista dabeecaddu waxay diiwaangelisaa kalluunka iyo xayawaanka kale oo badda ku nool si loo la socdo xaaladda ay sugan yihiin. Qaar kallun ka mid ah waa cuni karaa, taas oo ku xiran habka loo dabay iyo meesha laga keenay. Tusaale ahaan kallunka nooca loo yaqaan torsk (codfish) waxaa lagu qoray liiska cagaaran marka laga soo dabo badda Barent ama badda Baaltikada, laakiin haddii laga soo dabo ama kalluumeysto badda waqooyiga waxaa kolkaas lagu qoray liiska cas.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".