Hoteelka Wisby hotell. Sawirle: SR Gotland.

Dadka ku habeen-dhaxa Iswiidhen oo badankood ka yimaada Noorwey

Waxaa aad u soo kordhay tirada dadka shisheeyaha ah oo ku habeen-dhaxa hoteelada iswiidhishka. Laga soo bilaabo sannadkii waxay tirada habeenada ay dadka shisheeyaha ahi ku dhaxaan Iswiidhen korodhay boqolkiiba 40, oo ah tiro u dhiganta laba milyan oo habeen. Sidaasna waxaa lagu muujiyey baaritaan uu sameeyey ururka shirkadaha ganacsiga ee Visita.

Shantii habeen oo hoteel la carbuntaba waxaa mid ka mid ah qabsaday qof ka socda dalka Noorwey.

Waxay kaloo marti badan oo degta hoteelada iswiidhishku ka kala timaaddaa dalalka Luksemburg, Bolaand, Irland och Turkiga.

Tirada habeenada loo hoydo 16 dal oo dadka ugu badani dalxiiska ku tagaan waxay sannadkii 2012 gaareysey ilaa 4.8 milyan oo habeen.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".