Andreas Harsten, dhakhtar sare oo ka hawlgala isbitaalka Hässleholm. Sawirle: Petra Haupt/Sveriges Radio

Dadka daawada lagu suuxiyo ayaa fiyoobaan dhow kuwa dhabarka laga suuxiyo

Dadka bukaanka oo marka jilibka ama lafta sinta laga beddelayo lagu suuxiyo daawadu dhaqso ayey uga bogsoon og yihiin kuwa laga suuxiyo dareenka laf-dhabarta oo ah habka maanta caadi ahaan la isticmaalo.

Sidaasna waxaa lagu ogaadey waaya-aragnimo laga helay hawlaha qalliinka ee isbitaalka Hässleholm, kaas oo isbitaalka dalka ee lagu sameeyo qalliimada jilbaha iyo lafaha simaha.

Andreas Harsten oo dhakhtar sare ah ayaa arrintaan ka yiri:

- Bukaanka lagu siiyo daawada suuxinta xanuun yar ayaa qabta oo dhaqso ayey u soo kacaan, waxaana ku yar lalabbada iyo wareerka.

In qofka la qalayo lagu suuxiyo daawo naarkoos ah waxay marka dhabarka laga suuxiyo ka qaalisan tahay dhawr boqol oo karoon, laakiin bulshada ayaa kharash badan ugu baaqan karaa maadaama ay waqtiga qofka la daryeelayaa ay aad uga yaraaneyso, sida daraasadda lagu muujiyey. Qaybta bukaan-jiifka ee isbitaalka Hässleholm ayaa ku guuleystey in boosaska dadka bukaan-jiifka ahi ay ka soo yaraadaan 35 oo noqdaan 25 boos.

Isha: P4 Malmöhus

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".