Wasiirka Arrimaha Dibedda Iswiidhen Carl Bildt oo Iiraan booqasho rasmi ah ku jooga. Sawirle: Cecilia Uddén/Agneta Ramberg/SR

Carl Bildt oo Midowga Yurub ku guubaabiyey in wadaxaajood cusub lala galo Iiraan

Waxaa habboon in Midowga Yurub ay dalka Iiraan la gasho wada-xaajood cusub oo aragti dheer ku salaysan oo weliba ay ka mid yihiin kuwo ku saabsan xuquuqda aadanaha. Sidaasna waxaa twitterkiisa ku soo qoeay wasiirka arrimaha dibedda Iswiidhen Carl Bildt oo hadda booqasho rasmi ah ku maraya dalka Iiraan.

Tobaneeyo maqaal gaagaaban oo uu Carl Bildt halkaask u qoray, wuxuu carrabka ku adkeeyey ahmiyadda in Iiraan laga la xaajoodo barogaraamkeeda nukliyeerka. Wuxuu kaloo halkaask u qoray in ay khasaaro weyn keeneyso haddii wadahadalaas lagu guuldarreysto, waayo waxay taasi keeni kartaa in Iiraan ay noqoto bulsho dunida ka oodan.

"Waxaa aad u dareemay in halkaan ka jirto bulsho hiigsaneysa mustaqbal cusub oo furfurnaan ku dheehan tahay. Laakiin waa in aynnaan dhayalsan xooggaga ka soo horjeeda in isbeddel dhaco,” ayuu qoray wasiirka arrimaha dibeddu.

Carl Bildt waxaa maanta u sii soconaya wadahadalada uu la yeelanayo madaxda dalkaas oo ka dhici doona magaala-madaxda Teheran oo baraf qariyey. Wasiirka arrimaha dibedda Iswiidhen wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda dalkaas Mohammad Javad Zarif iyo madaxweyne Hassan Rohani. Maanta subaxnimadiina wuxuu la kulmay qaxootiga Afqaanistaan ka yimid oo dalkaask u sugan.

Isha: Metro

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".