Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Wasiirka Arrimaha Dibedda Iswiidhen Carl Bildt iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Iiraan Mohammad Javad Zarif oo shir-jaraa'id qanaya. Sawirle: AP Photo/Vahid Salemi/TT.

Carl Bildt oo ku rajaweyn in xal loo helo arrinta barogaraamka nukliyeerka Iiraan

Wasiirka arrimaha dibedda Iswiidhen Carl Bildt ayaa ka dhawaajiyey in uu ku rajaweyn yahay in guul laga gaari doono wadahadalada Iiraan laga la leeyahay barogaraamkeeda quwadda nukliyeerka iyo in uu kalsooni taxadar leh ka qabo in xaaladda Iiraan soo wanaagsanaaneyso kadib wadahadaladii uu shalay magaalada Teheran ku la yeeshay madaxweynaha dalkaas Hassan Rohani iyo wasiirkiisa arrimaha dibedda Mohammad Javad Zarif.

Carl Bildt ayaa kulankii uu la yeeshay Mohammad Javad Zarif ku muujiyey in uu taageersan yahay in Iiraan ay sameysato barogaraam nukliyeer oo aan hub ahayn. Wuxuu wasiirka arrimaha dibedda Iswiidhen sheegay in ay muhiim tahay in la xalliyo arrinta nuliyeerka waayo waxay shuruud u tahay xallinta arrimaha kale oo khuseeya dalkaas Iiraan.

Waxaa kaloo wadahaladaas lagu soo qaadey arrimo la xiriira xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin cadaadiska lagu hayo mucaaradka dowladda halkaas ka jirta.

Carl Bildt ayaa booqashadiisa u arka fursad meesha looga saarayo kala qoqobnaanta marka laga hadlayo xiriirka ay Iiraan la yeelaneyso dunida inteeda kale. Wuxuuna Midowga Yurub ku guubaabiyey in wada-xaajood weji cusub leh lala galo dalka Iiraan.

Isha: TT/SVT

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".