Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i en industrilokal. Giftig rök sprider sig österut mot Giraffens köpcentrum. Alla som befinner sig i området bör bege sig därifrån. Boende i området uppmanas att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Kalmar.
(Publicerat idag kl 17.16)

Boliiska oo ku jahwareersan nidaamka IT ee hoowlwadeennada

La daabacay onsdag 5 februari 2014 kl 10.25
Sarkaal ka tirsan ciidanka ammaanka oo ka howl-gala gobollada waqooyi ee dalka. Sawirle: Anna Torgnysdotter, SR Norrbotten.

Nidaamka cusub It-iiga (Pust Siebel) ee ciidanka ammaanku ku howl-galaan, midkaasina oo loogu talo-galey sidii hoowl-wadeennada ciidanka loogu sahli lahaa hoowlaha diiwaan-gelinta dunuubta ayaa lagu guul-dareeystay sida wararku sheegeyaan.
Dhaleecooyin ciidanka ammaanka kala soo gudboonaadey dhinacyo badan ayaa iminka ku khasbaya Bengt  Svensson, madaxa hoggaanka ciidanka ammaanku inuu ka baaraan-dego go’aankii uu ku tallaab-san lahaa. In nidaamka dhammaantii albaabada loo laabo iyo in kale.

Nidaamkan cusub ee It-iiga waxaa dhanka kale dacwooyin ka soo gudbiyey hoowl-wadeenno ka tir-san boliiska ee ka howl-gala dalka dhammaan iyo in nidaamkaasi aanu u shaqeeyneyn sidii loogu talo galey. Halka gobollada qaarkood ey dacwooyin ka soo gudbiyeen wakiillada ammaanka ee goobaha shaqada, iyada oo la soo jeediyey in nidaamka dhammaantii la tuuro si loo hagaajiyo ammaanka goobaha shaqada ee hoowl-wadeennada ciidanka ammaanka:

– Waxaa jira tusaale la xiriira in diiwaan-gelin dembi la xiriira ruux sarqaan-san ee gaari isaga oo wada lagu qabtay ay diiwaan-gelintiisii qaadatay saacado, halkii ey ka qaadan lahayd ugu badnaan 30 daqiiqadood, sida uu sheegay madaxa laanta ammaanka goobaha shaqada ee nururka shaqaalaha  ciidanka ammaanka Erling Staxäng

Xaaladda ayaa iminka halis ku sugan oo uu Bengt Svennsson ku hoowlan yahay sidii uu isugu miisaami lahaa in nidaamka dhammaantii la baabi’iyo iyo in kale, sida uu qoray war-geeyska maalinlaha ee marka Dagens Nyheter (DN).

Bishii oktoobar ee sannadkii 2010 ayuu hir-galay nidaamka it-iiga ee Pust si tijaabo ah, Iyada oo uu ka dambeeyay fikir ah in ciidanka ammaanka ee bannaanada ka howl-gala la siiyo kompiyuutarro sidii ey isla goobta uga soo war-bixin lahaayeen, halka ey markii hore ku khasbanaayeen iney xarunta dib ugu soo laabtaan si ey war-bixin uga qoraan dem biyada ama dhacdooyinka la soo gudboonnada ama dhaca. Iyada oo sannadkii xigay ee 2011 uu hoggaanka ciidanka ammaanku sheegay inuu habkaasi kor u qaaday dartdartii ey hoowl-wadeennadu ku howl-geli jireen, dembiyada qaarkoodna hoos u dhagay illaa 85% wakhtigii lagu qaban jiray.

Isha/ DN                                                    kenadid.mohamed@sr.sr

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".