Sawirle: Johan Nilsson/Scanpix.

Saddexdii qof oo iswiidhish ahba midkood ma oga in doorashadii EU la qabanaayo sannadkaan

Baaritaan ay sameysey shirkadda ra’yi-ururinta ee Sifo ayaa lagu muujiyey in saddexdii qof oo iswiidhish ah uusan midkood war u hayn in sannadkaan la qabanayo doorashadii baarlamaanka Midowga Yurub.

Waxaan kaloo sidaas u weyn xiisaha loo qabo in la codeeyo 25ka bisha Mey oo ah maalinta ay doorashada baarlamaanka dhici doonto. Tiro gaaryesa boqolkiiba 49 ayaa baaritaanka ku sheegay in ay khasab ku tahay ama ay u badan tahay in codeeyaan maalintaas doorashada, laakiin Toivo Sjörén oo ah madaxa ra’yi-ururinta ee Sifo ayaa bogga europaportal.se u sheegay in ay u muuqato in tirada dadka doorashada ka qaybgeli doonaa ay hoos u dhici doonto boqolkiiba 40.  Taasna waxaa ugu wacan in natiijadii baaritaanka lagu helay ay noqotay mid la buunbuuniyey markii dadka la weyddiiyey haddii ay codeyn doonaan.

Dadka iswiidhishka ayaa horay looga baran in ay doorashada baarlamaanka Midowga Yurub soo jiidato maadaama ay ka qaybgalka codbixinta ay soo ahaan jirtey boqolkiiba 40. Dowladda ayaa dejisey hadaf ah in tirada dadka codka bixiyaa ay doorashada sannadkaan gaaraan boqolkiiba 50.

Isha: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".