Sawirle: Lotta Karlsmark/Sveriges Radio

Boliiska xaafadaha galbeedka oo dhaleeceeyn isku sameeyey daraasad dabadeed

Ciidanka ammaanka sal-dhiggiisa xaafadaha galbeedka magaalada Istockholm ayaa dhameeys-tir ku sameeyay, isla-markaana soo ban-dhigay baaritaan la xiriira sidii ciidanka ammaanku uga howl-galeen rabshadihii ka dhacey xaafadda Husby sannadkii ina dhaafay. Ma aannu jirin qorshe deg-sanaa ee loogu talo-galey sidii looga hor-tegi lahaa rabshado halkooda ka sii socda, sida ay war-geeyska ciidanka ammaanku leeyahay ay ku qortay Elisabeth Anestad, ahna hoowl-wadeenad sare ee ciidanka ammaanka.

Marka qaarkood ayey hoowl-wadeennada ammaanku muddadii ey rabshadahaasi socdeen goobaha qaarkood looga awood roonaa isla mar qura.

Ururka shaqaalaha ayaa isagu aamin-san in aanu hab-sami u shaqeeyn dhanka xiriirka ee hoowl-wadeennadu wadaageen. Iyadoo ciidanka qaarkii ey hoowlaha ku jireen 10 saacadood muddo gaarii-san cunno iyo biyo la'aan.

Daraasaddan ayaa dhalisay in ciidanka ammaanku xarunta hoowl-wadeernnada ee xaafadaha galbeedka ku keey-sadaan cabitaan iyo buskud noocyo kala duwan ee leh manaafacaad iyo tamar.

Daraasaddan ayaa ku saleey-san wareeysiyo la sireeyey ee lala yeeshey soddomeeyo ruux.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".