Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Booqashada Carl Bildt ku joogo Iiraan oo taabaneysa arrimo dhawr ah

Booqashada wasiirka arrimaha dibedda Iswiidhen ku joogo Iiraan.
3:43 min
Wasiirka arrimaha dibedda Iswiidhen Carl Bildt iyo wasiirka arrimaha dibedda Iraan Mohammad Javad Zarif.

Wasiirka arrimaha dibedda Iswiidhen Carl Bildt ayaa beryahaan booqasho rasmi ah ku joogey dalka Iiraan. Booqashadaan ayaa noqoneysa booqashadii ugu horreysey oo uu wasiir arrimaha dibedda Iswiidhen ku tag odalkaas wixii ka dambeeyey sannadkii 2002, kolkaas oo halkaas booqatay wasiiraddii arrimaha dibedda Iswiidhen e exilligaas Anna Lindh. Booqashadiisa ayaa la xiriirta sidii uu ugu kuurgeli lahaa siyaasadda barnaamijka nukliyeerka ee ay Iiraan waddo iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin xuquuqda aadanaha. Carl Bildt ayaa ujeeddada booqashadii ka yiri:

- Waa wax caadi ah oo qayb muhiim ah ka ah wadaxaajoodka aan ku rajaweynahay in uu si qoto dheer u dhexmaro Midowga Yurub iyo Iiraan. Waxaan aamminsanahay in ay meeli u bannaan tahay wadaxaajood si taxadar leh horay wax loogu sii wado. Balse marnaba lama sii ogaan karo, waayo waxaa la marayaa isbeddel xasaasi ah oo weliba ay jiraan xoogag ka soo horjeeda. Mase aha in la aammino in wadaxaajoog noocaan ahi uu keeni karo in wax waliba hal habeen isku beddelaan.

Wasiirka arrimaha dibedda Iswiidhen Carl Bildt ayaa ka dhawaajiyey in uu ku rajaweyn yahay in guul laga gaari doono wadahadalada Iiraan laga la leeyahay barogaraamkeeda quwadda nukliyeerka iyo in uu kalsooni taxadar leh ka qabo in xaaladda Iiraan soo wanaagsanaaneyso kadib wadahadaladii uu maalintii talaadada magaalada Teheran ku la yeeshay madaxweynaha dalkaas Hassan Rohani iyo wasiirkiisa arrimaha dibedda Mohammad Javad Zarif.

- Maya uma muuqato in dimoqraadiyad sida Iswiidhen looga yaqaan ay ajendaha ugu jirto, waayo waa bulsho ka geddisan tan iswiidhishka, laakiin ma ahan bulsho gebi ahaanba xirxiran oo qam ah. Waxaa la qabtaa nooc doorasho ah, dowladda dhexdeeda waxaana jira quwado iska soo horjeeda. Haddaba waxaa rajeyneynnaa furfurnaan tartiibtartiib u dhacda. Waxaana muuqata in ay bilaabatay in laga doodo xuquuqda muwaadiniinta.

Carl Bildt wuxuu hadalkiisa ku daray isagoo tixraacaya wadahadaladii uu la yeeshay madaxda sare ee dalkaas:

- Waxaana muuqata in ay bilaabatay diyaargarow in laga doodo xuquuqda muwaadiniinta. Shakina kuma jiro in aan yeelannay wadahadalo wanaagsan in kastoo ay ahaayeen kuwo xasaasi ah. In kastoo ay wax waliba xawli tartiib ku socdaan, ayaan haddana aammisanahay in wax waliba ku xiran yihiin sida ay Iiraan ugu guuleysato u furfurnaanta dunida inteeda kale.

Weriyaha Raadiyaha Iswiidhen Agneta Ramberg oo halkaas ku sugan ayaa wax laga weyddiiyey sida Iiraan gudaheeda looga arko booqashada Carl Bildt iyo haddii loo arko in ay tahay dhacdo weyn:

- Ma sheegi karo in loo arko in ay tahay dhacdo aad u weyn iyo in kale, balse waxaa muuqata in saxaafaddu ay aad ula socoto.

Waxaa kaloo la weyddiiyey haddii Carl Bildt loo arko in uu ka socdo Iswiidhen oo qura ama in uu wakiil u yahay Midowga Yurub ama Reer Galbeedka:

- In kastoo la fahamsan yahay in uu yahay wasiir reer galbeed ah,  ayaa haddana loo arkaa wasiir ka socda Iswiidhen.

Wasiirka arrimaha dibedda Iswiidhen Carl Bildt ayaa isagoo ku dalkaas Iiraan twitterkiisa ku qoray guubaabo uu Midowga Yurub ku dhiirrigelinaayo in Iiraan lala galo wada-xaajood cusub oo ku saleysan aragti dheer oo ku saabsan waxyaalaha ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka iyo xuquuqda aadanaha.

Isha: SR, SVT & TT

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".