Mustafa Dagoglus iyo qoyskiisu waxay ku nool yihiin hoteel ku yaal xaafadda Årsta. Sawirle: Peter Johansson SR Stockholm

Carruur gurya-la’aan awgeed la dejiyey hoteello

Gurya-la’aanta Stockholm ka jirta ayaa xafiiska gargaarka bulshada ku kalliftey in ay qoysas carruurta wata dejiyaan hoteello iyo guryaha habeendhaxa loo kireysto.

Waxaa muddo lix sano ah ku soo lix jibbaarmey tirada carruurta uu xafiiska gargaarka bulshadu dejiyo guryaha habeendhaxa loo kireysto ama hoteelada. Sidaas waxaa lagu muujiyey baaritaan ay sameysey idaacadda P4 Stockholm.

Bil walba oo ka mid ah sannadkii la soo dhaafay waxaa magaalada Stockholm ku noolaa carruur tiradoodu dhan tahay 258 oo cunug oo gurya-la’aa, lana dejiyey hoteello ama guryaha habeendhaxa loo kireysto.

Isha: P4 Stockholm

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista