Xisbiyada baarlamaanka badankood oo doonaya in la adkeeyo shuruud ku siideynta dembiilayaasha

Aqlabiyadda xisbiyada baarlamaanka ayaa doonaya in shuruud adag lagu xiro in dadka dembiyada galay oo xabsiyada laga soo daayo markii ay dhammaystaan saddex meelood oo meel ciqaabtii lagu xukumay.

Tusaale ahaan haddii dadka gala demibiyda galmada la xiriira ay diidaan in ay ka qaybqaataan barnaamijyada dhaqancelinta ay suurtagal noqoto in ay dhammaystaan ciqaabtii lagu xukumay.

Sharciga ayaa maanta dhigaya in marka uu qofku dhammeysto saddex meelood oo meel ciqaabtii lagu xukumay, xabsiga looga dhigi karo siideyn shuruud wadata, taas oo micneheedu yahay in uu ciqaabta inta ka harsan ku dhammeysto dibedda xabsiga isagoo dusha laga la socdo.

Waxaa ilaa waqti hore arrintaan u ololeynayey xisbiyada Folkpartiet iyo Sverigedemokraterna, balse xisbiyada Socialdemokraterna, Centerpartiet iyo Kristdemokraterna ayaa hadda iyaguna doonaya in xeerkaas la adkeeyo.

Caroline Szyber oo xibiga KD u qaabbilsan siyaasadaha arrimaha sharciga ayaa arrintaan ka tiri:

- Haddaannu nahay xisbiga Kristdemokraterna waxaan qabnaa in khasab laga dhigo ka qaybqaadashada barnaamijka dhaqancelinta, iyo in haddii qofka la xukumay uu diido in uu ka qaybgalo, ay taasi la micne tahay in uusan waddo wanaagsan ku socon. Waxaan kolkaas u aragnaa in uusan xaq u lahayn in waqtigiisii ka hor la siidaayo.

Xisbiga Moderaterna ayaan isagu wadin wax hindise oo xeerkan wax looga beddelayo. Sidoo kale xisbiga Miljöpartiet ayaan la iman wax hindise ah in kastoo uu doonayo in dadka gala dembiyada galmada la xiriira lagu khasbo in ay ka qaybgalaan barnaamijyada dhaqancelinta ee xabsiyada laga abaabulo. Xisbiga Vänsterpartiet ayaa isagu ka soo horjeeda in xeerkaas la adkeeyo.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".