Sawirle: Foto: Fredrik Sandberg / TT

Aqoonta loo leeyahay qowmiyadda roomiga oo aad ugu yar dugsiyada dalka

Dugsiyada Iswiidhen aqoon ku filan u ma aysan laha qowmiyadda roomiga.  Dhallaanka qowmiyadda Roomigu u ma helaan barashada afka hooyo sida ay u baahan yihiin, dugsiyadana waxaa ku yar aqoonta ay u leeyahay dhaqanka, taariikhda iyo diinta dadka roomiga.

Wakaaladda dugsiyada ayaa arrintaan u aragta in ay tahay wax laga welwelo kadib markii baaritaano ku samaysey shan degmo oo dalka ka mid ah. Qoraalkaan ayaa ka dhashay baaritaan ay dowladdu u xilsaartay wakaaladda dugsiyada sidii qowmiyadda roomiga loogu soo dari lahaa hawlaha waxbarashada dusgiyada. Sidaasna waxaa soo weriyey wargeyska Helsingborgs Dagblad.

Degmooyinka laga wadey mashruucaan tijaabada ah waxaa ka mid ah Helsingborg, Luleå, Linköping, Göteborg iyo Malmö.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".