Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Maxkamad maanta maamulka degmada Östersund ka siideysey dacwad lagu soo oogey

La daabacay torsdag 6 februari 2014 kl 13.28
Sawirle: Håkon Mosvold Larsen/ TT

Maxkamadda degmada ayaa go’aan ku gaartey in degmada Östersund aysan khasab ahayn in ay bixiso lacag gaareysa lix milyan oo karoon, oo ah sidii uu horay xeerilaaliyuhu u dalbaday. Maxkamaddu waxay go’aankeeda sabab uga dhigtay in aan la caddeyn karin ciddii degmada mas’uul uga ahayd arrimaha biyaha ay gashay fal dembi ah.

Jeermigada nooca loo yaqaan cryptosporidium oo saddex sano ka hor gashay dhuumaha biyaha degmada. Sidaas awgeed ayuuna xeerilaaliyuhu dalbay in maamulka degmada lagu xukumo in uu dayacay hawlihii diyaargarowga. Waxaana lagu qiyaasay in dad ilaa 30000 ay biyahaas wasakhoobey ka qaadeen calool-xanuun. Taasina ay dadweynaha degmada muddo saddex bilood ah ku khasbanaayeen ay biyaha iska karkariyaan marka hore.

Maamulka degmada Östersund ayaa isku difaacay in aqoonta loo leeyahay noolaha jeermiga ah ay hooseysey Iswiidhen oo dhan, sidaas awgeed aysan suurtagal ahayn in la sii ogaan lahaa faafidda jeermigaas. Waxay ahayd markii ugu horreysey ee Iswiidhen ay biyo dabiici ku fidaan jeermiga noocaas ah.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".