Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Mikael Thörn oo ka socda hay'adda IVO. Sawirle: Maria Repitsch/SR.

Degmooyinka oo ku kala duwan hababka lagu gargaaro dumarka dhibaateysan

Farqi aad u weyn ayaa u dhexeeya hababka ay degmooyinka dalku u abaabulaan hawlaha lagu gacansiinayo dumarka iyo dhallaanka loo geystey dhibaatooyin xoogsheegad ah.

Hay’adda daryeelka iyo xannaanada oo afka iswiidhishka loogu soo gaabiyo IVO ayaa baaritaan qaran ku sameysey 60 maamul degmo, 90 maamulo gobolo rugo caafimaad iyo 30 ka mid ah goobaha lagu kaalmeeyo dumarka dhibaateysan. Waxaana baaritaankaas lagu ogaadey in dadkaas ay khatar ugu sugan yihiin in aysan helin caawimaadda ay u baahan yihiin. Hay’adda daryeelka iyo xannaanaduna (IVO) waxay u aragtaa in ay taasi khatar gelineyso badbaadada muwaadiniinta.

Mikael Thörn oo ah madaxa mashruuca ayaa arrintaan ka yiri:

- Waxaan halkaas ka ogaanney in ay jiraan daldaloolo xagga sidii baaritaan loogu sameyn lahaa dumarka xoogga lagu la kaco iyo baahiyahooda, iyo in loo diyaariyo caawimaad waqti gaaban iyo mid waqti dheerba. Sidoo kale waxaan daladaloolo ka helnay sida loogu kuurgalo carruurta goobjoog u ahaa xoog lagu la kacay dad eheladooda ah, iyo in aan carruurtaas wax baaritaano ah lagu sameyn, aysanna helin caawimaad iyo gacansiinta ay u baahan yihiin oo ay xaqa u leeyihiin.

Tusaale ahaan degmooyin badan ayaa dumarkaas iyo carruurtaas dhibeysan u sii gudbiya meelo hadal lagu taageero iyo meelo lagu qariyo iyadoo aan arrimahooda wax baaritaan ah lagu sameyn.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".