Dajana Mdalal. Sawirle: Mikael Sjödell/SR

Dhallaan laga qalayo kiishka caloosha si looga hortago cayilka

Isbitaalka carruurta ee Drottning Silvia ayaa bilaabaya in kiishka caloosha laga qalo dhallaanka da’doodu ka hooseyso 18 sano oo la dhibaateysan cayilka xad-dhaafka ah. Gabar lagu magacaabo Dajana Mdalal ayaa qalliin lagu sameyn doonaa dhawr toddobaad kadib:

– Waxaan sidaan u sameynayaa in aan mustaqbalka helo caafimaad xasilloon iyo cimri dheer. Haddii miisaankeygu ku socdo sidii u ahaa sanooyinkii dambe, kolkaas cimrigeyga ayaa soo gaabanaya, sidaasna diyaar hadda uma ahi. Waxaan jeclahay in aan cimri dheer helo, ayey tiri Dajana Mdalal oo 17 sano ah. gabadhaan wuxuu in miisaankeedu koro ku bilowdey markii ay jirtey toddoba sano, toban sano kadibna wuxuu miisaankeedu noqday 115 kiilo.

Iswiidhen iyo dalal kale oo dunida ka mid ah waxaa qalliinka noocaan ah lagu taliyaa in lagu sameeyo dadka da’doodu ka weyn tahay 18 sano.

Dhanka kale Eva Gronowitz oo xirfad ahaan ah ummuliso isla markaasna isbitaalka jaamacadda Sahlgrenska ka ah isuduwaha qaybta cilmibaarista ayaa sheegtay in isbitaalku go’aan ku gaarey in qalliin lagu sameeyo dhallaanka 18 sano ka yar haddii ay muuqato in cayilkooda uu waxyeelo gaarsiinayo caafimaadkooda.

Isha: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".