Fredrik Reinfeldt iyo Stefan Löfven. Sawirle: Bertil Enevåg Ericson/Scanpix.

Ra'yi isu dhow oo ay dadweynuhu ka qabaan Reinfeldt iyo Löfven

Hoggaamiyaha xisbiga Socialdemokraterna Stefan Löfven ayaa ku soo dhowaadey raysalwasaaraha dalka Fredrik Reinfeldt oo laga eego ra'yiga dadweynaha ee ku aaddan hoggaamiyaha ku wanaagsan sidii aqlabiyad looga abuuri lahaa baarlamaanka dhexdiisa.

Sidaasna waxaa lagu muujiyey baaritaan ay wadajir u sameeyeen shirkadda ra'yi-ururinta Ipsos iyo wargeyska Dagens Nyheter oo muujiyey in labada hoggaamiye oo tartanka ugu jira jagada raysalwasaaranimadu ay ku kala wanaagsan yihiin qaybo kala duwan oo ka mid ah siyaasadaha dalka lagu maamulayo.

Reinfeldt ayaa weli taageero uga haysta shan meelood oo saddex meelood arrimaha waaqiga ah ee siyaasadda, halka uu Stefan Löfven kor ugu soo kacay shantaas qaybood oo hadda dhaafay Reinfeldt marka laga hadlayo in aqlabiyad laga abuuro baarlamaanka dhexdiisa.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".