Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Qof lagu tuhunsan yahay geeridii qof dumar ah oo uubatooyin dileen

La daabacay fredag 7 februari 2014 kl 10.11
Sawirle: Petter Ahnoff/Sveriges Radio.

Qof ayaa hadda lagu wargeliyey in lagu tuhunsan yahay in galay fal dembi, taas oo ka dambeysey dhacdadii xilligii kuleylaha ee sannadkii 2012 ka dhacday beerta xoolaha ee Kolmårdens Djurpark, kolkaas oo ay raxan uubato ama yeey ahi dileen qof ka shaqeeya beerta xoolaha.

Qofka la tuhunsan yahay ayaa isaguna halkaas ka shaqeeya. Ciidanka boliiska ayaa sheegay in aysan dooneyn in ay ka xogwarramaan sababta tuhunkaas keentay, laakiin ay dhacdadaas cinwaan looga dhigay dembi shaqo oo sababay qof kale dhimashadiisa, sida uu sarkaal ka tirsan boliiska gobolka Östergötland u sheegay wargeyska Expressen.

Qofkaas dumarka ah oo ka mid ahaa shaqaalaha xannaaneeya xayawaanka halkaas ku xereysan ayey dileen uubatooyin iyadoo xerada keligeed dhex joogta.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".