Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Iswiidhen oo ku dhawaaqday kaalmada dhaqaale oo Afqaanistaan loogu talagalay

La daabacay fredag 7 februari 2014 kl 13.05
Kaalmada dhaqaale oo Iswiidhen ugu deeqeyso Afqaanistaan.
(1:11 min)
Arday gabdho ah oo waxbarasho ku jira. Sawirle: Rafiq Maqboo/TT

Kaalmada dhaqaale oo ay Iswiidhen ugu deeqi doonto dalka Afghanistan ayaa tobanka sano oo soo socda gaari doonta hal bilyan oo karoon sannadkiiba. Kaalmadaas dhaqaalena waxaa loogu talagalay in lagu maalgeliyo horumarinta waxbarashada gabdhaha iyo hawlaha sinnaanta ragga iyo dumarka. Sidaasna waxaa sheegtay wasiiradda kaalmada dibedda Hillevi Engström oo hadalkeeda ku dartay:

- Waxyaalihii aan dowladda Afqaanistaan kala xaajoodey waxaa ka mid ahaa kaalmada ay Iswiidhen siiso dalkaas. Waxaa dhanka Afqaanistaan ka jira welwel laga qabo sida xaaladdu noqoneyso marka ay ciidamada shisheeyuhu halkaas ka tagaan iyo cabsi laga qabo in xaaladdu ay sidii hore dib ugu noqoto. Sidaas awgeed ayey muhiim u ahayd in aan u caddeeyo siyaasadda Iswiidhen ee waqtiga dheer iyo in Iswiidhen ay tahay dalka keli ah oo miisaaniyadda ku daray kaalmo toban sano soconeysa.

Sidaasna waxaa tiri wasiiradda kaalmada dibedda Hillevi Engström oo hadda ku sugan dalka magaalada Kabul ee Afqaanistaan:

Wasiiraddu waxay kaloo dowladda Afqaanistaan ka dalbatay in ay bilaabaan hirgelinta mashaariicda kaalmadaas iyo iyadoo weliba carrabka ku adkeysey in ay Iswiidhen dabagal ku sameyn doonto mashaariicda kaalmadaas loogu talagalay.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".