Foto: Jessica Gow/TT

Guuldarada dhanka waxbarashada dugsiyada waa la wado leeyahey

Sida uu soo bandhigey baaraha dowladda Leif Lewin; ku wareejinta degmooyinka waxbarashada dugsiyada bilowgiiba waxey aheyd mid guuldaro ah markii la hirgeliyey bilowgii sagaashameeyadii.

Baaraha ayaa sheegey in guuldarada maanta ka jirta dugsiyada dalka in ay masuuliyadeeda leyahiin garabyada siyaasadan, xukumada  iyo degmooyinka dalka.

Daraasada baaraha dowladda Lief Lewin ayaa maanta la soo bandhiagayaa.

Waxey aheyd bishii december markii baaritaanka caalamiha ah (pisa rapporten) ee laysku barbardhigey natiijada waxbarashada waddomo badan ay muujisey in Iswiidhen kaalin hoose kaga jirto waddama laysku barbardhigey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista