Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Aabbaha iswiidhishku waa mid ilmo guriga ku haya afartii maalmoodba maalin

La daabacay måndag 10 februari 2014 kl 10.48
Anders Persson iyo gabadhiisa Amanda Persson. Sawirle: Anders Jelmin/Sveriges Radio

In kastoo ay weli ragga iyo dumarku aad uga fog yihiin in ay si siman u qaybsadaan maalmaha dhallaanka yaryar guriga lagu hayo, ayey haddana soo kordheen aabbayaasha fasaxa u qaata in ay carruur guriga ku hayaan. Sidaasna waxaa qoray wargeyska Dagens Nyheter.

Sannadkii hore waxay aabbayaashu qaateen in ku dhow shan iyo labaatan maalmood ee fasaxa waalidka ka mid ah. Tiro sidaaas u sarraysa weli horay looma arag ilaa iyo markii lsannadkii 1974 la dhaqangeliyey fasaxa waalidka. Tirada hadda soo baxday waa labajibbar marka la barbardhigo tiradii sannadkii 2000.

Haddii kororkaasi sidaas ku sii socdo, waxaa iman doonta in sannadka 2040 la gaaro in ay labada waalid si siman u qaataan fasaxa waalidka, sida laga soo xigtay wargeyska DN oo wax ka ogaadey tirakoobka xafiiska caymiska dadweynaha oo ku saabsan fasaxa waalidka.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".