Fredrik Reinfeldt (M), Jan Björklund (FP), Annie Lööf (C) iyo Göran Hägglund (KD). Sawirle: TT

Xisbiyada KD iyo C oo dirqi uga kormaray xadka baarlamaanka lagu galo

Labada xisbiga oo ugu yaryar xisbiyada isku bahaystay dowladda dalka, waa xisbiyada Kristdemokraterna iyo Centerpartiet, ayaa ka kor maray xadka boqolkiiba afarta ah oo lagu galo baarlamaanka sida ku cad baaritaan ay sameysey shirkadda Demoskop oo lagu bandhigay wargeyska Expressen.

Xisbiga KD ama Masiixiyiinta dimoqraadiga ah ayaa helay boqolkiiba 4.0 taageerada dadweynaha, halka uu xisbiga C ama xisbiga Dhexe ka helay boqolkiiba 4.3.

Isbeddelkaan ayaana ku dhex jira qiyaas qaldanaan karta. Waxaa kaloo cabbiraaddaan lagu muujiyey in guulihii uu hakad ku yimid guulihii uu xisbiga Socialdemokraterna gaarayey waqtiyadii dambe, sida laga soo xigtey wargeyska Expressen.

Xisbiyga M ayaa isagu kordhay boqolkiiba 2.6 oo hadda gaarey boqolkiiba 24.9 taageerada dadweynaha, halka uu hadda farqiga u dhexeeya labada garab ee siyaasaddu uu yahay boqolkiiba 3. Afarta xisbi ee dowladda isku bahaystay ayaa wadajir u helay boqolkiiba 38.1, halka ay xisbiyada S, MP iyo V wadajir u heleen boqolkiiba 51.3.

Xisbiga Sverigedemokraterna ama SD ayaa taageerada uu haystaa hoos ugu dhacday cabbiraaddii saddexaad oo hadda haysta boqolkiiba 8.8.

Isha: TT/Demoskop

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".