Lammaane maleysiyaan ah oo loo xiray in ay carruurtooda ku xadgudbeen

Maxkamadda degmada Solna ayaa go’aan ku gaartey in la qabto nin iyo naag lagu tuhunsan yahay in ay geysteen xadgudub iyo jirdil aad xun. Maanta ayaana maxkamad la horkeenayaa, sida uu xeerilaaliyuhu u sheegay wakaaladda wararka ee TT.

Lammaanahaan oo haysta carruur ah ayaa Iswiidhen u jooga shaqo ay u hayaan dowladda Maleysiya. Balse ma aysan haystaan difaaca siyaasiyiinta. Carruurta ay lammaanahaani haystaan ayaa da’doodu kala tahay 7, 11, 12 iyo 14 sano jir.

Arrintaan qabashada lammaanahaan ayaa aad wax looga qoray, aadna looga dhaleeceeyey lammaanahaan dalkooda hooyo. Afartii carruurta ahayd waxay maalmihii tegin u dhoofeen Maleysiya, halkaas oo uu ku qaabbilay raysalwasaaraha iyo kuxigeenka wasiirka arrimaha dibedda ee dalkaas.

Falkaan dembiga ah oo lagu soo eedeeyey lammaanahaan wuxuu ka dhacay guriga qoyska oo ku yaal degmada Spånga intii u dhexeysey 15kii sebteamber 2010 iyo 17kii deseember ee sannadkii 2013.

Labadaan qof oo waalidka ahna waxaa laga qabtay 20kii deseember ee sannadkii hore.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".