Jens Spendrup. Sawirle: Lars Pehrson/SvD/TT

Jens Spendrup: "Lama hayo dumar karti-xirfadeed leh"

Jens Spendrup oo ah guddoomiyaha ururka ganacsatada Iswiidhen ayaa dhaleeceyn uga timid wasiirka sayladda ganacsiga Peter Norman, taas ku aaddan hadal uu Spendrup ka sheegay waraysi lala yeeshay. Jens Spendrup ayaa kolkaas sheegay in aysan jirin dumar haysta karti xirfadeed oo loogu soo daro guddiga shirkadaha. Sidaasna waxaa qortay wakaaladda wararka TT.

Waxay ahayd waraysi ay idaacadda Ekot sabtidii la yeelatay Spendrup oo uu ku sheegay in uusan ahayn ruux feminiiste ah iyo in uu ”gebi ahaanba ka soo horjeedo” in dumarka saami u gaar ah looga gooyo guddiyada shirkadaha. Wuxuu intaas raaciyey in sababta ay u yar yihiin dumarka ku jira guddiyada shirkaduhu ay ugu wacan tahay iyadoo dhibaato ka jirto in la helo dumar karti-xirfadeed leh.

Hadalkaas Spendrup ayaa dhalisay caro iyo dhaleeceyn lagu soo bandhigo qalabka warbaahinta, halkaas oo ay dad badan shaki geliyeen habka uu wax u qiimeeyo wakiilka ugu sarreeya laamaha ganacsiga Iswiidhen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".