Dab xalay qabsaday teendhooyin laga dhistay xaafadda Högdalen

Waxay ahayd habeenkii talaadadu soo geleysey saqdii dambe kolkii boliiska iyo ciidamada gargaarka degdegga ahi u gurmadeen qayladhaan soo yeeray. Wuxuuna dabkaasi qabsaday teendhooyin ay dad Roomaaniya ka yimid ka dhisteen xaafadda Högdalen. Kolkii ay ciidamada gargaarka degdegga ahi goobtii yimaadeen waxay gaari guri ah oo dab wadaqabsaday. Sidaasna waxaa soo weriyey wargeyska DN.

Ciidamada gurmadku waxay durbadiiba ogaadeen in aysan jirin dad ku dhaawacmay dabkaas. Ilaa hadda lama oga waxa dabkaas sababay.

Buulashaas teendhooyinka ah oo yaak inta dhexeysa waddooyinka Snösätravägen-Magelungsvägen ayaa hadda la go'aamiyey in meesha la fujiyo. Waxay ahayd arbacadii la soo dhaafay kolkii uu maamulka xaafaddu gudbiyey codsi in dadka halkaas laga saaro oo la dumiyo dhammaan reendhooyinka gawaarida huryaha ah oo halkaas yaal.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".