Aqalka Baarlamaanka Iswiidhen. Sawirle: Britta Pedersen/Scanpix.

Xildhibaanada baarlamaanka oo uu soo galo dakhli ka baxsan gunnada baarlamaanka

Xildhibaano badan ayuu soo galaa dakhli dheeraad ah oo ka baxsan gunnada ay baarlamaanka ka helaan. 65 xildhibaan oo ka mid ah 349 xildhibaan waxaa sannadkii 2012 soo galay dakhli dheeraad ah oo kor u dhaafay 100 000 oo karoon, sida lagu muujiyey baaritaan ay sameysey wakaaladda wararka ee TT.

Liiska xildhibaanada uu dakhliga dheeraadka ahi soo galo waxaa hoggaaminaaya Staffan Anger oo ka tirsan xisbiga Moderaterna, horayna agaasime guud uga ahaa shirkadda naxaasta ee lagu magacaabo Outokumpu. Wuxuu qaatay dakhli dhan 1251000 karoon oo aysan ku jirin gunnada uu qaato baarlamaanka. Ninkaan oo xubin ka ah guddiyada 16 shirkadood ayaa caddeynaya in uu hawlo culus ka qabto baarlamaanka.

Kaalinta labaad waxaa liiska ka galay Håkan Juholt oo lacag shashafo ku qaatay sannadkii 2012 kadib markii laga fariisiyey xilkii hoggamiyanimada xisbiga Socialdemokraterna. Hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna ayaa isna gunnada baarlamaanka ka sokow xisbigiisa ka qaata lacag kor u dhaaftay 400000 oo karoon.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".