Qorshe Iswiidhen ku dooneyso in saameyn lagu yeesho aftida Iswiiserland

Idaacadda ayaa maanta shaaca ka qaadday qorshe ay Iswiidhen ku dooneyso in saameyn ku yeelato aftida dalka Iswiiserland looga qaadayo sidii dalkaasi u iibsan lahaa diyaaradaha dagaalka ee Iswiidhen oo loo yaqaan JAS Gripen. Qorshahaan ayaa ku qoran dokumeentiyo badan oo sir laga dhigay. Madax sare ee gaashaandhigga iyo wasiiro iswiidhish ah ayaana horay loogu wargeliyey arrintaan.

Waxaa la soo bandhigay in safiirka Iswiidhen u fadhiya magaalada Bern ee dalka Iswiiserland uu xiriir dhow la leeyahay wasiirka gaashaandhigga dalkaas. Waxaana la sheegay in ay halkaas ka socdaan dhaqdhaqaaqyo badan oo loogu talagalay in sawir wanaagsan looga bixiyo Iswiidhen inta aan la gaarin aftida la qaban doono bisha Mey.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibedda Carl Bildt iyo wasiiradda ganacsiga Ewa Björling ayaa sheegay in aysan waxba kala socon qorshahaas.

Isha: P1 Morgon

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista