Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Faraxumeynaha xoogga ku dhisan oo dalal badan ku leh xididdo qotodheer

La daabacay onsdag 12 februari 2014 kl 11.38
Bannaanbax kufsiga looga soo horjeedo oo ka dhacay fagaaraha Medborgarplatsen ee bartamaha Stockholm. Sawirle: Maja Suslin / TT

Boqolkiiba toddobo dumarka dunida ku nool ayaa rag aan raggooda ahayni u geystaan faraxumeyn xoog ku dhisan oo galmada la xiriira. Sidaasna waxaa lagu muujiyey daraasad cusub oo ay wakaaladda wararka ee TT maanta baahisay.

Farqiga arrintaas la xiriira ayaa ugu kala weyn dalalka dunida. Culumada daraasadaan soo saartayna waxay qabaan in aysan qiimeynta arrintaani mar walba ahayn mid lagu kalsoonaan karo.

"Waxaa noo muuqda in ay caadi noqotay in dumar badan oo dunida ku nool loo geysto faraxumeyn xoog ku dhisan oo galmada la xiriira. Qaybo dunida ka mid ahna arrintaan aad ayey ugu xidideysatay. Sidaasna waxaa war-saxaafadeed ku sheegtay Naeemah Abrahams oo ka hawlgasha machad lagu magacaabo South African Medical Research Council oo ku yaal magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Waxay iyada iyo culumo ka kala socata dalka Ingiriiska iyo Ururka caafimaadka dunida (WHO) wadajir u soo ururiyeen macluumaadka 77 daraaso oo ku saabsan baaritaan lagu sameeyey dumar faraxumeyn xoog ah loogu geystey 56 dal. Daraasadahaan ayaa lagu soo bandhigay wargeyska arrimaha caafimaadka ka hadla oo lagu magacaabo Lancet oo ka soo baxa dalka Boqortooyada Biritaaniya.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".