Musharraxiinta baarlamaanka EU ee xisbiga MP: Peter Eriksson iyo Isabella Lövin. Sawirle: Anders Wiklund / TT

Xisbiga Doogga oo ku dhawaaqay musharraxiintiisa baarlamaanka EU

Xisbiga Doogga ama Miljöpartiet ayaa go’aan ku soo saaray musharraxiinta uu xisbigu doonayo in ay uga galaan doorashada baarlamaanka Midowga Yurub kadib markii ay xubnaha xisbigu cod qaadeen cidda musharraxiinta noqoneysa.

Xildhibaanka hadda xisbiga u fadhida baarlamaanka Midowga Yurub Isabella Lövin ayaa liiska ugu horreysa oo ay ku xigaan hoggaamiyihi hore ee xisbiga Peter Eriksson iyo afhayeenka xisbiga u qaabbilsan siyaasadda dibedda Bodil Ceballos.

Haddii uu xisbigu ku guuleysto in uu sii haysto labadiisa kursi, kolkaas Peter Erikson, oo hadda ah guddoomiyaha guddiga arrimaha dastuurka ee baarlamaanka Iswiidhen ayaa noqonaya xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Yurub:

- Waxaan u arkaa in ay maalinba maalinta ka dambeysa xiiso sii yeelaneyso. Baarlamaanka Yurub wuxuu sanooyinkii dambe yeeshay awood ballaaran, wuxuuna maanta noqday gole ahmiyad weyn leh oo arrimo badan lagu go’aamiyo. Waxaa kaloo dhacday in qaybo badan oo ka mid ah arrimaha la xiriira cimilada laga soo wareejiyey dowladaha dalalka oo laga dhigay heer Midowga Yurub. Sidaasna waxaa yiri Peter Eriksson oo ka tirsan xisbiga Miljöpartiet.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".