Sawirle: Jonas Ekströmer/TT

Xoolo qaadey bakteeriyada salmonella oo laga helay aagga Sjöbo

Laba xeero oo xoolaha lagu xannaaneeyo oo ku yaal aagga Sjöbo ayaa la xiray kadib markii xoolihii halkaas ku jirey ay qaadeen bakteeriyada salmonella oo ku dhacda xiidmaha. Bakteeriyada halkaas laga heleyna waxay la mid tahay bakteeriyadii horay u asiibtay xayawaan ku noolaa saddex xero oo ku yaal bannaanka magaalada Sjöbo. Sidaasna waxaa soo werisey idaacadda P 4 Malmöhus.

- Hadda noom muuqdaan astaamo muujinaya in cudurkaasi sii fidayo, ayey Maria Lund oo hawlwadeen ka ah wakaaladda beeraha iyo xoolaha. Waxay intaas ku dartay in aysan caadi ahayn cudur sidaan faraha badan ugu faafo dhul juqraafi sidaan oo kale isugu dhow.

Maadaama aan weli la helin jawaabaha baaritaanadii laga qaaday goobahaas, ma sheegi karno in ay bakteeriyadaasi sii fidi doonto oo xoolo kale asiibi doonto.

Sida uu wargeyska Skånska Dagbladet soo xigtay waxay wakaaladda beeruhu tuhunsan tahay in xooluhu ay bakteeriyadaan ka qaadeen biyo wasakheysan oo ku ag yaal dhulkii ay xooluhu daaqayeen.

Isha: P4 Malmöhus

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista