Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Henrik Zetterberg: "Waa farxad weyn in laga qaybqaato cayaaraha olimbiga"

Kooxda Tre Kronor ma celin doonaan wacdarihii ay 2006 ka dhigeen Turino

La daabacay onsdag 12 februari 2014 kl 16.47
Kooxda Tre Kronor. Sawirle: Claudio Bresciani/TT.

Cayaartoyda Daniel Alfredsson iyo Niklas Kronwall oo hadda u cayaaraha kooxda Detroit ee Maraykanka ayaa ka mid ahaa kooxda xulka xeegaha barafka ee Iswiidhen uga qaybgalay cayaarihii olimbiga ee sannadkii 2006 lagu qabtay magaalada Turino ee dalka Talyaaniga. Iswiidhen ayaa kolka ku guuleysatey koobkii dahabka ahaa. Hadda ayaa la isweyddiinayaa haddii ay guushaas oo kale ka gaari doonaan cayaaraha hadda ka socda magaalada Sotji ee dalka Ruushka.

Cayaartoyga Niklas Kronwall ayaa sheegay in difaaca kooxdu uu aad u wanaagsan uuna goolhaye u yahay laacibka ugu wanaagsan cayaaraha hadda socda. Henrik Zetterberg oo laacin weyn ah isla markaasna u cayaara kooxda Detroit ee carriga Maraykanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in aan cayaaraha hab niyadgelin leh ku bilowno. Hadda, waa inaan ku guuleysannaa dhammaan cayaaraha isreebreebka.

Kooxda Iswiidhen oo loo yaqaan Tre Kronor ayey caawa cayaar isaga horimanayaan kooxda dalka Jekiya. Waxaana la is leeyahay mak u celin doonaan wacdarihii ay Turino ka dhigeen 2006 kolkaas oo ay ciidda cunsiiyeen kooxda Jekiya oo ay caawa iska hor iman doonaan.

Isha: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".