Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Booliska xaafadaha Tensta iyo Rinkeby oo la kordhinayo

La daabacay onsdag 12 februari 2014 kl 16.51
200-300 boqol burcadh ah baa qalqal ku haya Tensta iyo Rinkeby
(9:06 min)
Elisabeth Anestad, Talliyaha sal-dhiga galbeeed ee booliska Stockholm. Sawirle: Ramin Farzin/Sveriges Radio.

Booliska Stockholm ayaa ku dhawaaqey in uu kordhin doona ciidanka amniga ee ka howl-gala xaafadaha kalo ah Tensta Iyo Rinkeby. Booliska ayaa ku micneeyey sababta in labadaan xaafadood ay ku soo bateen kooxa gangisterada ah ee burcadaha ee dhibaatada badan ka geysanaya xaafadahaas. Elisabeth Anestad waa madaxa saldhiga booliiska faxaadaha galbeedka magaalada Stockholm ku yaala. Waxeyna ayada oo u warameysey Radiyaha Iswiidhen laanta Af-ingriiska u sheegtey in booliska xafadahaaan ka howl-gala lagu kordhinayo 30domeeyo ciidan ah.

 

- Waxaan ku kordhineynaa 30-meeyo boolis ah, kuwaas oo beegsan doona dhowr ruux, 200-300 ruux oo ah burcad nolal maalmoodkooda yahey in ay ka shaqeystaan faldenbiyeedyada, oo aan shaqo kale laheyn aan ka aheyn dhac, guri jabsi, hanti burburin iyo weliba daroogo iibin. Marka qorshaheena waxa weeye in aan dabo-gal ku sameyno oo aan dadkan maxkamda keeno si loo xukumo oo ay xabsiyo u galaan, xaafadahaana amni ugu noqdaan dadka ku nool.  

Bisha april ayey 30-domeeyo boolis ah ka shaqo bilaabi doonaan koonfurta Järva oo ah deegaan Stockholm ku yaalo oo ay xaafadaha Tensta iyo Rinkaby ka tirsan yahiin. Marka la gaaro gu'ga iyo xagaagana waxaa xaafadahaas lagu kordhin doona ciidan gaaraya 21 askeri, taas oo ka dhigeysa tirada ciidamada ka howl-geli dona xaafadahaas iskugeyn 75 askeri, taas oo ka dhigi doonta xaafadahaan deeganka ay ciidanka ugu badan ka howl-galaan gobolka Stockholm.

 

 

Elisabeth Anestad talliyaha booliiska saldhiga galbeed ayaa sheegtey in uu damacooda yahey sidii ay kooxahan gangisradaha ay xabsiyada uga buuxin lahaayeen, inkastoo ay sheegey in laga yaabe aysan dhamaantood ku guuleysan in ay soo qaban  qabtaan, laakiin waxey rajeyneysaa haddi gacanta lagu soo dhigo qaar kamid ah in ay intooda kale  kooxahaan ku aadkaan doonto  sii wadashadaa falalkooda burcadnimada ah, ayna yaraan doonto caruurta yaryar ee kooxan dabo socda ee sameeya waxa ay sameeyaan.  

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".