1 av 4
Sawirle: Andreas Hillergren/TT
2 av 4
Goolhayaha kooxda Tre Kronor Henrik Lundqvist. Sawirle: AP Photo/Julie Jacobson/TT.
3 av 4
Sawirle: Claudio Bresciani / TT
4 av 4
Sawirle: Claudio Bresciani/TT

Iswiidhen oo Jekiyen kaga guuleysatey cayaartii xeegada barafka

Kooxda Iswiidhen ee xeegada barafka oo lagu magacaabo Tre Kronor ayaa xalay 4-2 uga badisay kooxda qaranka ee dalka Jekiya (Tjeckien), cayaartaas oo lagu qabtay garoonka Olympics oo ku yaal magaalada Sotji.

Erik Karlsson, oo wata lambarka 65, ayaa halkaas ku dhaliyey laba gool. Wuxuu cayaarta kadib u sheegay TV3 “Waxyaalo badan oo wanaagsan ayaan halkaas ka muujinnay, balse waxaa jira waxyaalo badan oo noo harsan inaan wax ka beddelno – sida inaan difaaca xoojinno. Waana halkaas meesha weli nagu adag marka aan garoonka dhex istaagno. Waana in aan isku ururinaa Henke hortiisa oo adkeynna difaaca."

Maalinta jimcaha ayey kooxda Tre Kronor cayaar isaga hor imanayaan kooxda dalka Iswiiserland.

Isha: SR International

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista