Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dowladda oo dooneysa in wax laga beddelo nidaamka guurtida maxkamadaha

La daabacay torsdag 13 februari 2014 kl 12.43
Wasiiradda Caddaaladda Beatrice Ask. Sawirle: Henrik Montgomery/TT.

Dowladda ayaa dooneysa in wax laga beddelo hannaanka guurtida maxkamadaha. Matalanba in ay xubnaha guurtidu soo qaadato waxbarasho khasab ah.

- Waxaan aamminsanahay in dadka badankood taas igu raacsan yihiin. Marar badan ayaa su’aalo la iska weyddiiyey waxa gundhigga u ah habka lagu kala saaro xubnaha guurtida. Xeerarkaas ayaanna hadda dooneynaa in aan caddeynno. Arrin wanaagsan ayaanna u arkaa. Sidaas waxaa tiri wasiiradda caddaaladda Beatrice Ask oo hadalkeeda ku dartay in nidaamkaan cusubi keenayo in meesha laga saaro xubnaha aan guddiyadaas u qalmin. Tusaale ahaan suurtagal ma noqon karto in ay guddiyadaas ka mid noqdaan dad horay dembiyo u soo galay.

Habka ay u dhisan yihiin guddiyada maxkamaduhu ayaa waqti dheer doodi ka socotey. Hindisahaan hadda dowladdu soo bandhigtayna wuxuu ku salaysan yahay baaritaan la sameeyey kuleylihii sannadkii na soo dhaafay.

Maanta waaxaa guddiyada maxkamadaha lagu doortaan marka ay dhacayso doorashada baarlamaanka iyo tan degmooyinku. Haddaba si loo yareeyo in la doorto dad siyaasadda ku xiran ayey dowladdu hadda dooneysaa in xubnaha guddiyadaas la soo doorto sannad kadib marka ay dhacdo doorashada guud ee dalku.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".