Calamada dalalka waqooyiga Yurub. Sawirle: Henrik Montgomery/TT

Qoraalkii sannadka ee xorriyadda saxaafadda oo la soo bandhigay

Ururka Weriyayaasha aan xaduudda lahayn ayaa qoraalkoodii sannadka oo ay uga xogwarramayaan xorriyadda saxaafadda ee dunida dacalladeeda. Dalka ay weriyayaashu ku haystaan xorriyadda ugu sarreysa ayaa noqday dalka Finland, halka ay Iswiidhen ka gashay kaalinta tobnaad, taas oo la micne ah in dalalka derisku ay Iswiidhen ka wada horreeyaan.

Jonathan Lundqvist, oo ah guddoomiyaha Ururka Weriyayaasha aan xaduudda lahayn ayaa xaaladdan soo xumaatey sidaan ka yiri.

- Isbeddelka weyn oo dunida ka dhacay ayaan ku soo gaabin karnaa in arrinta ugu muhiimsan oo hadda dhacday ay tahay cawaaqibka waxyaalo aan horay u dareensaneyn in ay dhacayaan oo ay ka mid tahay ugaarsiga lagu la jiro argagixisada oo caqabad ku noqotay xorriyadda saxaafadda – iyo weliba hannaanka dimoqraadiyadda.

Dalka Maraykanka ayaa galay kaalinta saddex iyo tobnaad taas oo ay keentay hababka sirdoonka uu dalkaasi isticmaalayey iyo kashifaadihii laga sameeyey. Dalka Ingiriiska ayaa ku xiga oo loo aaneynayo in ay keentay dabagalkii lagu sameeyey wargeyska The Guardian.

Isha: Reportrar utan gränser

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".