Charlotte Kalla oo billad qalin ah qaaddey. Sawirle: TT

Charlotte Kalla oo billad qalin ah ka qaadatay orodka barafka ee 10 km

Gabadha lagu magacaabo Charlotte Kalla oo Iswiidhen u orodda ayaa tartan ulaha barafka ee tobanka kiilomitir ku guuleysatey billad qalin ah. Taasina waxay noqoneysaa billaddii labaad oo ay qaaddo cayaaraha olimbiga oo hadda ka socda magaalada Sotji. Waxay ahayd maalintii sabti markii ay qaaddey billad qalin.

Sidaas ayey Iswiidhen ilaa hadda ku heshay shan billadood, afar qalin ah iyo hal naxaas ah.

Billadda dahabka ee orodka barafka waxaa qaaddey Justyna Kowalczyk oo Booland ka socota oo 18 ilbiriqsi ka horreysey Charlotte Kalla.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".