Hoggaamiyaha xisbiga Socialdemokraterna Stefan Löfven. Sawirle: Fredrik Sandberg/TT.

Stefan Löfven oo digniin u soo jeediyey laamaha ganacsiga

Haddii xisbiga Socialdemokraterna ku guuleysto doorashada la qabanayo dayrta soo socota, wuxuu qaadi doonaa tallaabooyinka lagu soo dejinayo sharci dumarka xaq u siinaya in saami looga gooyo guddiuyada shirkadaha, haddii aysan shirkaduhu inta ka horreysa kordhin tirada dumarkak u jira guddiyada shirkadaha. Sidaasna waxaa wakaaladda wararka ee TT u sheegay hoggaamiyaha xisbiga Stefan Löfven.

Tirakoobkii ugu dambeeyey oo ay soo saartay shirkadda SIS Ägarservice waxaa ku caddaa in boqolkiiba 76 xubnaha guddiyada shirkaduhu ay yihiin rag, taas oo muujineysa sida uu Stefan Löfven qabo mid u muuqata in ragga lagu hormariyo marka la dooranayo guddiyada shirkadaha.

- Waana in aan nidaam kaas ka wanaagsan u dejinaa. Suurtagalna ma ahan in lagu doodo in aysan jirin dumar haysta karti-xirfadeed. Waa og nahay oo waa jiraan. Hadda laamaha ganacsiga ayey u taal in ay muujiyaan in ay sameynayaan isbeddel dhab ah iyo in kale. Haddii aan isbeddel la samayn, waxaa kolkaas khasab noqonaya in dumarka loo saami-gooyo.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".