Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Sawirle: Tobias Röstlund/TT

Cabsi laga qabo in hargabka doofaarku asiibay dad cusub

Saddex qof oo iswiidhish ayaa u dhintay cudurka hargabka doofaarka. Waxaana kuwo kalena in ay dabasocdaan ayaa laga cabsiqabaa. Sidaasna waxaa soo weriyey wargeyska Aftonbladet.

- Waa ayaandarro. Maadaama aan sii weynaaneyno oo ay jiri doonaan waayeel badan oo tabardaran oo cudurkaas si xun ugu nuglaan kara, ayey tiri Mia Brytting, oo madaxa qaybta noolayaasha yaryar ee hay’adda caafimaadka bulshada.

Dalka Finland waxaa laga soo weriyey in afar qof ku dhinteen.

Caalinka cudurada faafa Hélène Englund ayaa arrintaan ku sifeysey in "inta la og yahay in ay tahay fara ku tiris " maadaama aysan dad badani isbaarin oo aanaan ogaan karin inta qof oo cudurkaas qaaddey. Welise waa is tallaali karaa, oo waa degdeg.

Isha: Aftonbladet

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".