Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Sawirle: Johan Nilsson /TT

Khiyaamooyidda caymiska oo welwel iyo walaac laga muujiyey

Waxaa soo kordhay shirkadaha caymiska oo diida in ay bixiyaan lacagaha caymiska maadaama la tuhunsan yahay khiyaamooyin. Meelaha ugu badan oo in caymis laga bixiyo la diido waxaa ka mid ah baabuurta gubata ama dhaawacyada kala duwan soo gaaraan. Sidaasna waxaa qoray wargeyska Dagens Nyheter.

Sannadkii  2012 waxay shirkadaha caymisku diideen bixinta lacag gaareysa 397 milyan oo karoon. Sannadkii ku xigayna waxay lacagta la diidey gaareysey 463 milyan oo karoon, taas oo ah koror u dhigta boqolkiiba 17. Sidaasna waxaa lagu muujiyey qoraal cusub oo uu soo saaray ururka shirkadaha caymiska ka dhexeeya oo lagu magacaabo Larmtjänst.

Dadka khiyaamaooyinkaas lugta ku leh ayaa ah dadka dhashay siddeetameeyadii. Dadkaas ayaa lix jibbaar ka badan dadka dhashay afartameeyadii xagga isku dayga khiyaamooyinka ama dhagaraha, in kastoo ay yar tirada dadkaas caymiska kaga jirta. Sidaas waxaa war-saxaafdeed ku soo saaray Svensk Försäkring oo ah urur ilaaliya danaha shirkadaha caymiska.

Meelaha ay dalka ka dhacaan khiyaamooyinka ugu badan ayaa kala ah gobolada Stockholm, Västra Götaland iyo Skåne.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".