Sawirle: Samuel Sillénj/SR Västmanland

Adeegyada gaadiidka ee dadka taagta daran oo cabasho laga muujiyey

Waxaa waqtiyadii dambe Iswiidhen ku soo kordhayey cabashooyinka ka imanaya adeegyada gaadiidka lagu daadgureeyo dadka taagta daran, dhallaanka dugsiyada iyo dadka bukaanka ah. dadkaas gaadiidka lagu daargureeyo ayaa badanaaba cashooyin ka keena in aysan dareewalada gaadiidkaasi waqti dhawrin iyo habka u qaabbilaan.

Ann Jönsson oo ah gabar indhaha la’, kana mid ah dadkii la soo xiriiray shirkadda adeegga ee Färdtjänsten ee gobolka Stockholm ayaa sidaan ka tir:

– Aad iyo aad ayey u soo adkaatay in la isticmaalo adeegga gaadiidka dadka taagta daran lagu qaado. Anigu sanooyinkii ugu dambeeyey waan iska daayey in aan la xiriiro.

Ann Jönsson waxay intaas ku dartay in ay waqti dheer qaadato oo laalaab badan loo maro dalbadhada gaadiidkaas.

Shan sano ka hor ayey hayd kolkii ay cabashooyin kor u dhaafay 14 kun ka yimaadeen 95 degmo oo ku kala yaal gobolada Skåne, Västra Götaland iyo Stockholm.

Henry Freij, oo ah khabiir ku xeeldheer adeegga gaadiidka dadka taagta daran isla markaas ka mid ahaa dad ay dowladdu u xilsaartay in ay baaritaan ku sameeyaan adeegga gadiidka dadka tabarta daran ayaa isna sidaan ka yiri:

- Dadka la qaadayo si gaar ah looma barto ee waxaa la raacaa nidaamyo gaar ah iyadoo aan tixgelin la siin baahida shakhsiga adeegga la siinayo. Waxaa la fekeraa uun dhaqaalaha.

Isha: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".