Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Welwel laga qabo hanjabaadaha soo foodsaara shaqaalaha hay'adaha

Sawirle: Marcus Eriksson/Ekot.

Hay’adda bey’adda shaqada ayaa ka dhawaajisay in loo baahan in ay hay’ado badani hagaajiyaan sidii wax looga qaban lahaa hanjabaadaha iyo gacanqaadka lagu la kaco shaqalahooda. Baaritaano ay hay’addu ku sameysey goobo shaqo oo gaaraya 1500 oo ku yaal dalka qaybihiisa, waxay boqolkiiba 70 ka dalabtay in ay qaadaan tallaabooyin lagu sugayo ammaanka shaqaalaha.

– Waxay gaar u khuseysaa hay’adaha awoodda u leh in ay go’aan gaaraan saameyn ku yeelan karta dad shakhsiyaad ah, isla markaasna keeni karta is-khilaaf xaalado khatar ahi ka dhashaan. Sidaasna waxaa yiri Berndt Jonsson oo ka socda Hay’adda Bey’adda Shaqada.

Arrintaan ayaa ka dhalay cabashooyin iyo ashtakooyin uga yimid hay’adda goobaha badan oo shaqo.Laga soo bilaabo sannadkii 2009 ilaa la soo gaaro sannadkii tegey waxaa hay’adda soo gaarey ilaa 600 oo ashtako oo la xiriira hanjabaado iyo xoog-isticmaal loo geystey hawlawadeenno shaqooyinkooda gudanaya.

Dhanka kale Fredrik Andersson oo ka socda ururka shaqaalaha oo loo gaabiyo ST ayaa qaba in shaqa-bixiyayaashu ay iftiimiyaan oo laga hadlo dhibaatooyinka la xiriira hanjabaadaha iyo xoog-isticmaalka lagu la kaco shaqaalaha, iyo in ay wanaagsanaan lahayd haddii uu shaqa-bixiyuhu mas’uuliyad weyn iska saaro in mar walba dhibaatooyinkaasi dhacaan uu u gudbiyo ciidanka boliiska.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".