Sawirle: Katarina Larsson/Sveriges Radio.

Dowladda oo dooneysa in wax laga qabto bixin-la'aanta ganaaxa iyo cansuurta baabuurta

Dowladda ayaa dooneysa in sharciga la adkeeyo si wax looga qabto dhibaatooyinka ka yimaada dadka la dhuunta kharashyada meelaha baabuurta la dhigto iyo canshuurta gaadiidka. Dowladdu waxay hadda dooneysaa in ay fududaato in hay’adda qaan-ururintu la wareegto baabuurka haddii uu qofku bixin waayo ganaaxa iyo canshuurta baabuurka.

 

Arrintaanina waxay ka dambeysey baaritaan muddo shan sano ah lagu sameynayey dhibaatadaan la xiriirta ganaaxa iyo canshuurta baabuurta oo la la dhuunto. Waxaa kaloo la sheegay in xeerka arrintaan u degsan ay daloolo ku jiraan, kuwaas oo laga faa’iideysto si looga dhuunto bixinta ganaaxa iyo canshuurta baabuurta. Matalanba waxaa dhici karta in qofka baabuurka ku diiwaangeshani uusan ahayn qofka leh baabuurkaas. Waxaana dhici karta in taas lagu beddelo in ay noqoto in qofka baabuurka isticmaalayaa uu noqdo qofka iska leh.

Dowladdu waxay qorsheyneysaa in uu shrcigaan cusubi dhaqangalo kowda Mey ee sannadkaan.

Isha: Sydsvenskan

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".