Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Baako laga shakiyey waxa ku jira oo laga dhex helay xafiiska bangiga Forex

Sawirle: Läsarbild.

Xafiiska uu bangiga Forex Bank ku leeyahay waddada Klarabergsgatan ee bartamaha Stockholm ayaa la xiray kadib markii qof aan la garaneyn uu halkaas uga tegey baako aaan waxa ku jira la aqoon. Sidaasna waxaa soo werisey wakaaladda wararka ee TT.

Boliiska ayaa sheegay in ay halkaas ka heleen qaala-dhaan uga yimid. Nin careysan oo dadka u hanjabaya ayaa xafiiska soo galay, kadibna miiska dushiisa uga tegey baako markii uu sii baxayey.  Boliiska ayaa durbadiiba xiray albaabka Forex iyo dukaamadii ku ag yaalley ilaa inta laga sugayey ciidanka bambooyinka., kuwaas oo markii dambe caddeeyey in aysan baakadaas ku jirin bambo ah. boliiska ayaa hadda xayndaabkii ka qaadey dhammaan dhismayaashaas oo aan ka ahayn xafiiska Forex.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".